Madaxda dalka Hindiya ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 116 ruux oo ubadan haween iyo caruur ay ku dhinteen isbuurasho maalintii shalay oo Talaado aheyd ka dhacday gudaha dalka Hindiya.

Isbuurashadaan ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhacday goob ay ka dhaceysay xaflad diimeed ay dhiganayeen gaalada Hinduuska ah oo ku taalla woqooyiga dalka Hindiya, waana mid kamid ah dhacdooyinka ugu dhimashada badnaa ee nuucaan ah ee ka dhaca dowlad ku taalla Koonfruta Aasiya muddo sanado ah.

Madniqadda Haathraas oo qiyaastii 200KM dhanka Koonfur bari kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee New Delhi ayay ka dhacday isbuurashadaan, waxaana ay madaxda Hinduuska ah sheegeen in kumannaan ruux ay goobta isugu yimaadeen duhurki kadib halkaas oo uu ka jiray kuleyl daran.

โ€œWaxaa goobta ku sugnaa ku dhawaad 50-kun oo ruux, kuwaas o joogayay albaabka xarunta oo ku teedsan wadada dheer, qaar kamid ah dadka ayaa ujaheystay dhanka bidix, halka qaarkoodna ay midig aadeen, taas ayaana keentay Isbuurashadaโ€ ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Dhacdooyin badan oo nuucaan ah ayaa ka dhacay dalka Hindiya, kuwaas oo ka dhacay goobo lagu qabanayay xaflad diimeed ay dhiganayeen gaalada Hinduuska ah, waxaana inta badan eedda lagu sheegaa maamul xumo ka dhacda goobahaas.