Xafiiska Warbaahinta Falastiin ee ka hawlgala gudaha Marinka Qaza ayaa xaqiijiyey in 17,000 oo carruur ah oo ku nool Qaza ay la’yihiin mid kamida waalidkood ama labadoodiiba taas oo ay ugu wacan tahay gumaadka Yuhuuddu ka waddo Marinka.

Xafiiska Warbaahinta Falastiin waxa uu sidoo kale sheegay in 3500 oo carruur ah oo daโ€™doodu ka yar tahay 5sano ay qarka u saaran yihiin geeri sababo la xiriira cunaqabateynta Yuhuuddu ay ku soo rogeen Qaza.

Carruurta ku sugan Falastiin ayaa u baahan gargaar degdeg ah iyo daawooyiin heer marba marka ka dambaysa uu korodh ku imanayo xaaladaha nafaqodarro ee ka jirta mandiqaddaas.

Tan iyo bishii October ee sannadkii tagey Yuhuuddu waxa ay gumaad aan kala joogsi lahayn ka wadaan Qaza taas oo sababtey in ay shahiidaan dad kor u dhaafaya 36kun oo qof kuwaas oo u badan dumar iyo carruur.

Warsame Warfaa