Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka jabhadda Mucaaradka ah ee Faano, ayaa dib uga qarxay deegaanno dhaca waqooyiga Itoobiya.

Dagaal saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay ismaamulka Amhara ayaa lasoo wariyay in uu sababay khasaara lixaad leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya ee Axmaarada iyo kuwa daacadda u ah Abiy Axmed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallada ugu khasaaraha badan ay ka dhaceen deegaanka Finote Selam ee ismaamulka Amxaarada, jabhadda Amxaarada ee Faano ayaana laga soo xigtay in dagaallada ay ku dishay 20 askari oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidanka melleteriga ee nidaamka Abiy Axmed.

Warbaahinta mucaaradka taageerta ayaa soo warisay in dhincyaddu ay si aad ah ugu loollamayaan deegaanno dhowr ah oo hoos tagay gobolka Wallo. dagaalladan ayaana kusoo aadaya xilli dowladda Federaaliga ah ee Xabashida Itoobiya ay waddo aruursi ciidan oo ay ku doonayso in ay ku wiiqdo mucaaradkeeda.