Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta dagaallo xooggan duleedka degmada Ceeldheer ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud kula galeen maleeshiyad ka tirsan kooxda Riddada.

Dagaallada oo ahaa kuwa culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxay si gaar ah kaga dhaceen deegaanka Wanniille ee duleedka degmada Ceeldheer, waxaana halkaas maleeshiyaadka murtadiinta looga dilay 27 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 38 kale.

Isku gaynta tirada dhimasho iyo midka dhaawaca waxay hadda maraysaa 65 murtadiin ah, kuwaas oo ay mujaahidiintu ka tirakoobeen goobta dagaalka, Allaah fadligiis maleeshiyaadka murtadiinta ayaa si xun loogu jabiyay dagaalladan, waana mid ka mid ah weerarada lagu dhiigbixiyo Riddada ee ka dhacaya bartamaha Somalia.