Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil ka dhacay biyaha wadanka Yemen kadib markii ay qallibantay doon yar oo ay ku safrayeen tahriibayaal kasoo jeeda geeska qaaradda Afrika. Ku dhawaad 38 ruux oo kasoo jeeda qaar kamid ah wadamada Afrika ayaa lasoo warinayaa iney dhinteen saacadihii lasoo dhaafay.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah shaqaalaha xeebaha dalka Yeman, doontan ayaa rogmatay markii ay hal kiilow mitir usoo jirsatay xeebta degmada Ruduum ee gobolka Shabwah, qaar badan oo kamid ah rakaabka oo aan garaneyn dabaasha ayaa ku maashoobay biyaha badda. Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya in dadka ka badan 260 ruux ay la socdeen doontan ,dadka oo badankood kasoo jeeda dalka Itoobiya waxaa wehliyay tahriibayaal Soomaali ah kuwaas oo dhimasho ay soo gaartay halka kuwa kale lasoo badbaadiyay.

38-da qof ee ku dhimtay shilkan ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan sida ay sheegayaan saraakiisha dowladda Yemen ee gobolka Shabwah. Inkabadan 97,000 oo ruux ayaa larumeysanyahay in ay sanadkaan gudihiisa ay tahriib ku mareen dalka Yemen waxayna dadkaas usii gudbeen dalka Sacuudiga.