Inta la hubiyay ugu yaraan 45 xubnood oo shaqaale ah ayaa ku dhintay dhisme ay ka howlgalayeen, kaddib markii uu dab xooggan qabsaday xaruntaasi sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Kuwayd.

Masuul ka tirsan wazaaradda arrimaha gudaha ee Kuwayd oo lagu magacaabo Ciid Raashid Al-cuweyhaan, ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu qabsaday dhisme ay dadkaasi degganaayeen kuna shaqeynayeen oo kuyaal magaalada Manqaf ee koonfurta dalka Kuwayd, marka laga soo tago khasaaraha dhimasho ee 45-ta xubnood, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inay jiraan dhaawacyada tobannaan kale.

Wazaaraddu waxay intaas ku dartay inay soo qaaday maydadka 35 xubnood oo laga soo saaray mid ka mid ah dhismeyaasha gubtay, 15 xubnood oo kale ayaa la xaqiijiyay in dhaawacyadooda laga soo daabulay dhismahaasi, kuwaas oo 4 ka mid ah ay dhinteen markii cisbitaalka lasoo gaarsiiyay.

Dadka dhacdadan dabka ka dhalatay ku dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen ajaanib, walow aanan faahfaahin rasmi ah laga bixin dadka dhintay halka ay kasoo kala jeedaan, maamulka halkaas ka arimiya ayaa dhacdada kaddib xabsiga dhigay mulkiilaha dhismaha uu dabka ka kacay.