Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gobolka muslimiintu leeyihiin balse ay Kenya xoogga ku haysato ee Laamu, waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ka baxay magaalada Kiyuunga, kuna sii jeeday dhanka xerada Milatariga dowladdaasi ee Sankuuri.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qaraxa ah lagu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada kuffaarta Kenya, halka tirada dhaawacyada ahna ay intaas ka badanyihiin, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi qaraxa ah ku gubeen gaari BG ah.

Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen hoyga uu degmada Beled-xaawo ka dagganyahay goddoomiye ku xigeenka murtadiinta ugu magacaaban maamulka degmadaas, sarkaalka hadafka ah waa badbaaday balse askari ka tirsan Ilaaladiisa gaarka ah ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa.

Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerareen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay afafka hore ee degmada Bardaale, maleeshiyaadkii Isbaarada ku sugnaa ayaa kala cararay markii rasaastu ku bilaabatay, mujaahidiinta ayaana howlgalkaasi kaddib si nabad ah ugu soo noqday goobihii ay ka duullaan tageen.