Wasiirka Amniga maamulka Yuhuudda ayaa sheegay in maanta ay u ahayd maalin aad u adag isla markaana ay waayeen qaar kamid ah askartooda. Ben Gvir oo kamida Yuhuudda xagjirka ah ee midigta fog ayaa saaka ku calaacalay in ay waayeen 3 kamida askartooda iyo sakraal sare.
“Saaka waxay noo ahayd subax daran ka dib markii aan ogaanney dhimashada afar kamida Ciidankeenna oo lagu diley Rafaxโ Ben Gvir Tan iyo markii Yuhuudda oo Mareykanku taageerayaa la baxeen afar maxbuus oo gacanta muqaawimada ku jirey, waxa ay iska caabbintu kor u qaaddey weerarradii ay la beegsanayeen ciidanka Sahaayinada ee ku sugan Qaza. Ciidanka Yuhuuddu illaa immika inta ay qirteen waxa Qaza kaga halaagsamey 650 askari waxaana kaga dhaawacmey 3786 askari.