Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxay xalay camaliyad Istish-haadi ah ka fuliyeen magaalada Muqdisho, taas oo lala beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku caweeynayeen shaqaalaha kooxda Riddada Somalia, sida, howlwadeenada wazaaradaha, sirdoonka, iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda Riddada, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur xooggan oo ka dhashay camaliyadaasi.

Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa ballan-qaaday in uu soo gudbin doono faahfaahin intaasi ka badan oo ku aaddan howlgalkan barakaysan iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Halgan ee bariga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.

Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee degmada Buulo-mareer iyo saldhigga murtadiinta ee deegaanka Bariire.

Dhanka Luuq ee gobolka Gedo, waxay mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga xero 1-aad oo ay maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin degmadaasi.

Dhanka dhulka NFD, waxay mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen xero ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay kaga suganyihiin degmada Qorof-xaraar ee gobolka Wajeer oo ka mid ah dhulalka NFD ee muslimiintu leeyihiin ee ku hoos jira gumaysiga Kenya.

Waxaa xusid mudan in dagaalka intii uu socday uu dab xooggan qabsaday xerada, waxaana jirta khasaare ciidamada kuffaarta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaas.