Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha DF, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa inay XSHM maal geliyaan ururo ka dagaalama Mozambique iyo Nigeriya uu yahay hadal lagu qoslo isla maraakana aanan sal iyo raad toona lahayn sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay caawa.
War saxaafadeedka oo nuqul kamid ah ay heshay Shabakada SomaliMeMo ayaa intaas ku daraya in ay hadalada Xasan Sheekh cadayn u yihiin inuu fulinayo danaha gumeystaha, uuna shirkado shisheeye iyo danahooda ka hormarinayo danaha shacabka Soomaaliyeed.

War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hadaladan ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud, ay qayb ka yihiin qorshe midaysan oo ay Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkey ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in madaxweynaha DFS uu u gogolxaarayo qorshihii dalka dhaqaalihiisa lagu burburin lahaa, dowladahaasna loogu gacan gelin lahaa.

Eedeymahan waxay ku soo aadayaan xilli ay dalka ka jiraan abaaro baโ€™an oo dad iyo duunyo intaba saameeyay, mana aha, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka, wax aan ka ahayn hadalo lagu duugayo dayaca, karti xumada, iyo wax qabad laโ€™aanta xukuumada Xasan Sheekh ee wax u qaban weydey malaayiin dad Soomaaliyeed oo la tabaalaysan abaaraha baโ€™an.

Ugu dambayn, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugu baaqday dhamaan ganacatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan qorshaha lagu doonayo in lagu boobo hantidooda.

War saxaafadeedka waxaa lagu soo gunaanadey in muโ€™assasada Al-Kataaib ee taabacsan warfaafinta Xarakada Al Shabaab ay dhowaan faahfaahin doonto warbixin ku aadan xaalada dalka uu marayo iyo shirqoollada ay shisheeyuhu la damacsan yihiin ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRI BAYAANKA