Sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax ay jihaadiyiinta Al Shabaab ka fuliyeen deegaan katirsan Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu beegsaday sarkaal ciidan oo wadashaqeyn dhow lalahaa ciidamada shisheeyaha ATMIS.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Ceydiid Maxamed Cabdi Guray oo ahaa Taliye ku xigeenkii Ururka 83aad ee Guutada 14-ka October kaasoo dhibaatooyin badan ka geystay deegaano ka tirsan Shabeellada Hoose.

Sarkaalka ladilay ayay darajadiisa ciidan aheyd Gaashaanle, Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa sida ay baahisay idaacadda Andalus.