Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya.

Weerar toos ah oo maanta duhurkii ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa lagu beegsaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya. Dad ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas culuw oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari Itoobiyaan ah ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay madaarka Baydhabo. Dhinaca kale iska hor’imaad culus ayaa lagasoo sheegayaa degmada Waajid oo ay gacanta ku hayaan ciidamada xabashida Itoobiya.