โ€‹Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dilal qorshaysan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka booliska dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Muuse Xaaji Cumar.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay askari katirsanaa ciidanka dowladda iyadoonka Al Shabaab ay askarigaas ka furteen qori iyo Boosh uu ku hubaysnaa.