Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Sh/hoose. Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lagu beegsaday gaari uu la socday taliyaha ciidamada melleteriga degmadaasi.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya dhimashada taliye Maxamed Cabdi oo ku magac dheeraa Tuug Madoobe, muuqaal lagasoo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay gaariga taliyaha oo burbur xooggan uu gaaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay mas’uulkan katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.