Khasaara lixaad leh ayaa ciidanka dowladda Kenya kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday deegaan dhaca gudaha wadankaasi. Wararka ka imaanaya gobolka Lamu ayaa sheegaya in qarax miino lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidanka dowladda Kenya xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Kiyunga iyo Sankuuri.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari BG ah nuuca ciidanka xambaara waxaana ku dhintay 7 askari halka tira intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen. Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.