Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo oo kutaal magaalada Jowhar.
Jugta qarax aad uxooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay magaalada Jowhar iyo deegaannada hoos yimaad, gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarun ay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ka deganaayeen agagaarka madaxtooyada.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa, “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Riddada Hirshabelle” ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus.

Al Shabaab waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta.

Waa qaraxii ugu xooganaa ee abid ka dhaca magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka isku magacaabay ‘Hirshabeelle’, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan ATMIS ay isku gedaameen goobta ay wax ka dhaceen.