โ€‹Khasaara dhimaso iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar cusub oo Al Shabaab ka fuliyeen goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo taas oo ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Jugta qarax xooggan ayaa xalay fiidkii laga maqlay halka loo yaqaan Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere islamarkaana ay ammaankeeda adkeeyaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, qaraxa ayaa beegsaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo Top Coffee.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Al Shabaab waxay sheegeen in ay beegsadeen isku imaatin ay ku caweynayeen askarta iyo saraakiisha dowladda.
“Camaliyad Istish-haadiyo ah ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho taas oo lala eegtay goob isku imaatin ah oo ay ku caweeynayeen shaqaalaha kooxda ridada Soomaaliya, sida, howlwadeennada wazaaradaha, sirdoonka, iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee kooxda , Waxaana jira khasaaro oo isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur ka dhashay camaliyadaasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 5 ruux halka toban kale ay dhaawacyo soo gaareen.