Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay qarax aad uxooggan oo maanta lagu beegsaday saldhig kuyaal magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in weerar nafhurnimo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Jabuuti.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarku uu haleelay bartilmaameedkii lala rabay islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 29 askari.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay duleedka Ruun Nirgood ay ku dhinteen 9 askari halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen.