Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya, weerar madaafiic ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ay saacadihii ina dhaafay ku garaaceen xerada ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Waajid ee ka tirsan Bakool.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka kuffaarta Itoobiya halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen laba kale, waxaana xusid mudan in bakhtiyada iyo dhaawacyada ay diyaarad Helicopter ah ka qaaday xeradaasi.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inay gubteen teendhooyin iyo dhismayaal kale oo xabashida ugu dhex yaalay xerada, kuwaasi oo ay agabyo kala duwan ugu keydsanaayeen.

Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee kuyaal suuqa xoolaha ee ka tirsan degmada Qansaxdheere.

Dhanka Sh/hoosena, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaallo xooggan ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo saldhiga maleeshiyada Riddada ee degmada Jannaale.