Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha gobolka Laamu ee ay muslimiintu leeyihiin balse ay Kenya xoogga ku haysato, waxay weerar qorsheysan oo dagaal toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo saliibiyiintu ku leeyihiin qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ayay mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya kaga suganyihiin magaalada Ishaa-kaani ee gobalka Laamu, halkaas oo saliibiyiinta Kenya looga dilay laba askari, halka kuwa kalena looga dhaawacay.

Dhanka Baay ee koonfurta Soomaaliyana, waxay faahfaahinno kasoo baxayaan dagaal saacado ka hor mujaahidiintu ku qaadeen xerada ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsan kuffaarta Itoobiya.