Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku socdaalayay deegaanka No/60, waxaa qaraxan inta la xaqiijiyay lagu dilay saddex askari oo Yugaandhees ah.

Waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidanka kuffaarta Yugaandha ee deegaanka Laanta Buure, sidoo kale waxaa la miray saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee magaalada Marka iyo deegaanka Jaziira ee dhaca waddada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay saddex askari oo murtadiin ah.