Weeraro culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda. Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose xoogag jihaadi ah ayaa ku dilay Askari katirsan maleeshiyaadka dowlada kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siidow islamarkaana ahaa Istaafkii gudoomiyihii hore ee Amniga degmadaasi.

Dhanka degmada Janaale weerar culus ayaa xalay lagu miray saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, isla gobolka Sh/hoose xalay fiidkii waxaa laweeraray saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee deegaanka Bariire balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in toogasho ay dagaalyahannada Al Shabaab ka geysteen degmada Mahadaay ay ku dileen 1 askari Burundeys ah halka mid kalana ay dhaawaceen.

Al Shabaab ayaa sare uqaadday dagaalka halganka ah ee ay kula jirto ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ee ku sugan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.