Boqolaal katirsan askarta iyo saraakiisha ciidamada shisheeyaha Burundi ayaa munaasabad diimeed Kirishtaan ah ku dhigtay mid kamida magaalooyinka Soomaaliya oo ay guumeysiga ku haystaan.

Baadariyaal ka socday kaniisadaha Catholic-ga dowladda Burundi ayaa soo gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe halkaas oo ay ku dhigteen munaasabad. Saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka Burundi ayaa kasoo muuqday munaasabadda iyagoo ku sugan Kaniisad yar oo kutaal gudaha magaalada Jowhar.

Baadariyaasha Burundeyska ah ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda kaniisadda ka dhacday waxayna askarta burundi ee duullaanka ku jooga Soomaaliya kula dardaarmeen in ay si naf hurnimo ah ula dagaallamaan muslimiinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka kusoo qaadeen.

Sawirro lagu baahiyay baraha taliska ciidanka Burundi uu ku leeyahay Intenetka ayaa muujinayay ciidanka Burundi oo iyagoo kor uqaadaya calaamadda Saliibka ku damaashaadaya gudaha magaalada Jowhar.

“Baadari Irumva Edison wuxuu ku booriyay ciidamada in ay naftooda u huraan sidii ay ula dagaallami lahaayeen kuwa kale” ayaa lagu yiri qoraalka lagu faafiyay bartaha ciidanka Burundi ee Twitterka.

Tallaabadan ay ku dhaqaaqeen baadariyaasha ciidanka Burundi ayaa banaanka soo dhigaysa in duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya uu yahay mid saliibi ah, waxaana been ah halku dhigyada ay ku hadaaqaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada ee ah in ciidamada Afrikaanta ay yihiin Nabad ilaaliyaal.