Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxay maanta markale marti gelisay isku soo baxyo shacbi oo ka dhan ah dowladda Kenya, kuwaas oo la xiriira qorshihii uu ansixiyay baarlamaanka Kenya ee lagu kordhiyay canshuurta dadweynaha.

Banaanbaxyada oo ahaa kuwa waawayn oo ay ka qayb qaateen boqollaal qof oo Kenyaan ah ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi, kacdoon wadayaashu waxay sheegeen in uu mudaaharaadkooda la xiriiro goโ€™aankii foolkaanada carada ah ka dhaliyay ismaamullada dalkaasi.

Muuqaallo lasoo duubayay ayaa muujinayay ciidanka booliska oo sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsanaya dibadbaxayaasha, waxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka xirteen wadooyinka soo gala baarlamaanka iyo madaxtooyada dowladda Kenya.

Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii maanta ka dhacay caasimadda Nairobi, maxkamada Kenya ayaa taageero u muujisay in ciidamo Millatari ah lagu xoojiyo Booliiska, si ay u eryadaan dadka wada kacdoonka ka dhanka ah dowladdaasi.

Dibadbaxayaasha Kenyaanka ah ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto, iyaga oo ku qaylinayay (Ruto waa in uu tagaa) iyo erayo kale, suuqa Islii ee Soomaalidu leedahay ayaa la arkayay isaga oo haawanaya, ganacsatada Soomaaliyeed ayaana ilaalo ka hayay goobahooda ganacsi, si aan loo boobin hantidooda.

Isku soo baxyada maanta ka dhacay Naiorbi, ayaa kusoo beegmaya xilli Wiliam Ruto madaxweynaha Kenya uu gelinkii dambe ee shalay shaaciyay in uusan saxiixi doonin oo uu ka laabtay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sannadka 2024, kaas oo uu soo gudbiyay baarlamaanka, dib uu ugu celin doono baarlamaanka.