Wasiirka Amniga maamulka Yuhuudda ayaa sheegay in maanta ay u ahayd maalin aad u adag isla markaana ay waayeen qaar kamid ah askartooda. Ben Gvir oo kamida Yuhuudda xagjirka ah ee midigta fog ayaa saaka ku calaacalay in ay waayeen 3 kamida askartooda iyo sakraal sare.

“Saaka waxay noo ahayd subax daran ka dib markii aan ogaanney dhimashada afar kamida Ciidankeenna oo lagu diley Rafaxโ€ Ben Gvir Tan iyo markii Yuhuudda oo Mareykanku taageerayaa la baxeen afar maxbuus oo gacanta muqaawimada ku jirey, waxa ay iska caabbintu kor u qaaddey weerarradii ay la beegsanayeen ciidanka Sahaayinada ee ku sugan Qaza. Ciidanka Yuhuuddu illaa immika inta ay qirteen waxa Qaza kaga halaagsamey 650 askari waxaana kaga dhaawacmey 3786 askari.