Dowladda Kenya ayaa sheegtay in markale ay weeraro kala kulantay xoogagga jihaadiga ah ee ka halgama dalka Soomaaliya. Weerar ka dhacay deegaan katirsan gobolka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa lagu burburiyay dhismayaal amni oo ay laheyd dowladda Kenya sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Mandheera.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay qaraxyo ku burburiyeen dhismayaal dhowr ah oo kuyillay deegaanka Raamu ee xuduud beenaadka kulaala.

George Seda oo ah taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in qaraxyo lagu burburiyay xarun isgaarsiineed iyo goobo kale, dad ku sugan Mandheera waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay deegaanka ee lagu burburiyay xarun isgaargsiineed oo ay dowladda Kenya leedahay.