Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii dhexmaray xukuumadda Washington iyo millatariga inqilaabka kula wareegay talada dalka Niger, ee dhigayay in waddankaas laga saaro ciidamada Americanka ah, ayaa waxaa si toos ah ubillawday dhaqan galinta heshiiskaas.

Boqallaal kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa lasoo warinayaa iney isaga baxeen dalka Niger, arrintaas oo qeyb ka ah hannaanka insixaabka ee ay dowladda Mareykanka uga dhamaaneyso dalkaan dhaca galbeedka qaaradda Africa.

Illaa 269 Askari oo American ah oo qeyb ka ahaa 946 askari oo lo qorsheeyay iney ka baxaan dalka Niger ayaa si toos ah dalkaasi uga baxay saacidihii lasoo dhaafay, sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Mareykanka iyo xukuumadda Niyami.

Dhammaadka howlgalka ayaa ah 15-ka bisha September ee soo socota, sidaba lagu sheegay hishiiskii dhex maray xukuumadaha Washington iyo Niyami, kaas oo uu Mareykanku sheegay in uu aqabalay codsi uga yimid millatariga maamulka talada dalka Niger oo ahaa in lakala furfuro ciidamada Americanka ah ee ku sugan dalkaas, ayna si dhameystiran isaga baxaan dalka.

โ€œSi loo suura galiyo in ciidamada Amricanka ah ay sinabad galyo ah oo nidaamkaan ku insixaabaan, waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo fududeeya arrintaas, taa oo sahli doonta howlaha isku xirka nidaamkaanโ€ ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maman Saani Kiyawu oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Niger, iyo masuul katirsan wasaaradda difaaca ee Mareykanka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen, in labada daraf ay ka goโ€™an tahay iney juhdi ballaaran ku bixiyaan sidii guul loogu soo dhameyn lahaa howsha insixaabka, iyo in la damaanad qaado amniga ciidamada Americanka ah ee isaga baxaya dalka Niger.

Waxa ay ballan qaadeen inuu sii socon doono iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ay wada leeyihiin, iyagoo carrabka ku adkeeyay, in insixaabkaan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin cilaaqaadka hadda ka dhexeeya xukuumadaha Washington iyo Niyami.

Waxaa xusid mudan in taliska millatariga Niger ee 26-kii bishii July ee lasoo dhaafay inqilaabka kula wareegay talada dalkaas uu ku gacan seeray, iskaashi milltari oo ay usoo bandhigtay dowladda Mareykanka, aqbalid muddo kooban qaadatay kadibna ay isaga baxeen tacaawunkaaas.

Islamarkii ay millatari talada la wareegeen, waxa ay si degdeg ah ku dalbadeen in ciidamada Faransiiska ay isaga baxaan dalka, kuwaas oo ka dhignaa awood gumeysi, tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyayna waxa ay soo dhaweysteen dowladda Ruushka, taaas oo tabarayaal ciidan iyo agabyo millatari usoo dirtay dalka Niger bilihii April, iyo May ee lasoo dhaafay.

Mareykanka ayaa saldhig weyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka kacaan ku leh meel u dhow magaalada Agadez ee waqooyiga dalkaasi Niger, waxaana dhismaha saldhiggaasi ku baxay adduun lacageed gaaraya 100 milyan oo dollar.

โ€œIskaashiga Maraykanka ee Niger ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta waa in uu sii socdaa iyada oo loo marayo heshiis cusub, oo ku kacaya ilaa 500 milyan oo doolar, oo socon doona muddo 3 sano ahโ€, sidaasi waxaa tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Niger.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda galbeedka Africa ayaa sheegaya, in wujuudkii ree-galbeedka ee Mandiqadda uu aad hoos ugu dhacay, tanina ay muujineyso sida ay dowladaha Yurub ugu fashilmeen duullaankoodii ay kusoo qaadeen wadamadaan, waxaana hadda booskooda galay dowladda Ruushka oo dagaal qabow kula jirta reer-galbeedka, taas oo buuxineysa firaaq waliba oo ay banneeyaan, arrintaas oo ay isaga yareyneyso cunaqateymaha ay kusoo rogeen reer-galbeedka.