Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilal kala duwan kasoo qabtay DF, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Muqdisho ayaa sheegay in DF ay ku fashilantay dhinac walba sida:- ammaanka, siyaasadda iyo ammaanada.

Dhanka ammaanka wuxuu sheegay in DF ay sii wadi weysay dagaalada, madaxduna noqdeen kuwa caadeystay safarro aan faaโ€™iido lahayn, wuxuu xusay in sadaxda ugu sarreysa DF ay todobaadkii tegay isugu tageen Nairobi, xilli Xasan Sheekh uu 5 mar tagay Kenya laba bilood gudahooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in DF dhexdeeda uu aad ugu sii baahay musuqa wuxuuna tusaale usoo qaatay madaxda iyo saraakiisheeda oo guryo dabaqyo ah isugu faanaya kuwaasoo ay ka dhisteen Muqdisho iyo dalka dibadiisa.

Intaa wuxuu ku daray in DF ay magaalada Muqdisho bulshadeeda ku hayso dhibaato aad u badan oo ay ugu horreyso canshuurta xadka dhaaftay ee ay ka qaadayso, tiiyoo ay kusoo biirtay arrin qabyaalad ah oo bulshada la isaga hor keenayo.

Dhanka diblumaasiyadda wuxuu muujiyay inuu fashil ka jiro, dhowr tusaale oo uu soo qaatay ayaa waxaa kamid ahaa in DF ay ka hiillisay xaq u raadinta Muslimiintii lagu gumaaday Boosniya iyadoo kala dhuumatay codkeeda, sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdu caadeysatay hadallo gabi dhacleyn ah iyo mawaaqif isku dhex yaac ah oo ku aadan bixitaanka ATMIS iyo xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay in Xasan Sheekh uu muddo xileedkiisa sii gabaabsiyao, lugahana la galayo sannadkii saddaxaad, saasoo ay tahayna xaalku aad u liito, wuxuu ugu baaqay inuu kala diro xukuumaddan soona sameeyo mid cusub.