Wafdi ka socday dowladda Saliibiyadda Mareykanka, ayaa shaley gaaray magaalada Jowhar iyagoo kulamo halkaasi kula yeeshay madaxda maamulka ridada ee Hirshabeelle.

Wafdigaan oo isugi jiray saraakiil ciidan iyo masโ€™uuliyiin ka socotay safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ayaa ujeedka ay shaley u tageen magaalada Jowhar lagu sheegay in maamulka ridada ee Hirshabeelle ay kala wareegayeen dhul uu maamulkaasi siiyey dowladda Mareykanka kaasoo ay doonayso inay ka dhisato saldhig Militari oo ay kuwada howlgalaan ciidamo Mareykan ah iyo maleeshiyaatka ridada ee isugu yeerra (Danab).

Xaflad kooban oo lagu qabtay gilinkii dambe ee shalay xarunta Madaxtooyada maamulka Riddada ee Hirshabeelle ayaa madaxa maamulkaasi, murtad Cali Guudlaawe Xuseen wuxuu shaaca ka qaaday in dhul ballaaran oo ku yaalla afaafka hore ee magaalada Jowhar uu ku wareejiyey dowladda Saliibiyadda ah ee Mareykanka, si ay halkaasi uga dhistaan saldhig ciidan oo ay uga soo duullaan tagaan wilaayaatka Islaamiga.

Sawiro ku aadan Cali Guudlaawe oo dhulkaasi ku wareejinaya saraakiisha Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay la isla dhexmarayey baraha Bulshada, iyadoona dadka Soomaaliyeed ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen tallaabataasi uu qaaday murtad Cali Guudlaawe.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in Soomaaliya uu ka dhisan doono ilaa 5 saldhig ciidan oo horleh kadib markii heshiis arrintaasi ku saabsan uu dhawaan la galay dowladda Riddada ee Xasan Gurgurte hoggaamiyo.

Taliska ciidanka Mareykanka ee (Africom) ayaa horay Soomaaliya ugu lahaa saldhigyo ciidan oo isugu jira kuwa qarsoodi ah iyo kuwa muuqda, waxaana Mareykanka saldhiga ugu weyn ee Soomaliya ku leeyahay ku yaalla garoonka Ballidoogle ee wilaayada Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu sidoo kale ku tababaro maleeshiyaatka murtazaqada ah ee (Danab).