Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Rasaas maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ay ku fureen Arday ku sugneyd Afaafka hore ee School lagu magacaabo Macalin Jaamac oo ku yaala degmada Xamarweyne ee magalada Muqdisho. Ugu yaraan 3 kamid ah ardayda ayaa ku dhaawacantay rasaastan oo ay si bareer ah ugu fureen maleeshiyaad katirsan Booliska oo la sheegay in ay ilaalo ka yihiin Schoolkan oo uu ka socdo Imtixaanka shahaaddiga dugsiga sare.

Muran soo kala dhax galay Arday doonayey in ay gudaha u galaan Schoolka si ay Imtixaanka uga qeyb galaan iyo Maleshiyaadka ayaa la tilmaamay in ay arintan sababtay waxaana dhalinyaradii dhaawacantay loo qaaday goobo caafimaad.

Mid kamid ah ardaydii ka badbaaday rasaasta ay ciidamadu ku fureen ardayda ayaa iyadoo illimeynaysa sheegtay in ciidamadu ay ku dhiiradeen rasaasaynta arday isku diyaarinayay ka qeyb galka Imtixaan shahaaddi ah.

Ma ahan wax ugub ah in sskar katirsan DF-ka ay dhibaato xooggan u geystaan ardayda Schoolada magalada Muqdisho, sanadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale xadgudubyo kala duwan ay kula kaceen ardaydii ka qeyb galay Imtixaankii dugsiyada Sare.

Dhinaca kale Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo katirsan ATMIS ayaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ku jiiray Mootada nuuca Bajaajta loo yaqaanno.

Kolonyadan cadowga ah ayaa isku dayey inay socodkooda sii wataan balse waxa is hortaag ku sameeyey dad shacab ah oo goobta ku sugnaa, waxana sawiro lagu baahiyey baraha bulshada ay muujinayey in si qasab ah lagu joojiyey kolonyadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kolonyada gaadiidka ah ay si ulakac ah ujiireen qof shacab ah islamarkaana uu goobta ku dhintay, ciidamada Afrikaanta ayaa isku dayay in ay socodkooda iskasii wataan balse dad shacab ah ayaa is hortaag ku sameeyay.