โ€‹Taliska ciidanka shisheeyaha ATMIS ayaa ku dhawaaqay in uu ciidankiisa kala baxay deegaan hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ururka midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Raaxooy ee gobolka Sh/dhexe.
Taliska ATMIS ayaa sheegay in saldhigga ay ka baxeen ciidamadoodu ay ku wareejiyeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay ciidamada Burundi sidaan oo kale uga baxeen laba saldhig oo uga sugnaayeen magaalada Jowhar.