โ€‹โ€‹Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee duullaanka ku jooga dalkaas ee ay hogaamiso dowladda Mareykanka ay weerar inzaal ah ka fuliyeen qeybo kamid ah Suuriya, iyadoona lagu soo waramayo in tiro gantaallo ah lagu gaaracay xarun mellatari oo ku taalla isla Suuriya.

Weerarkaan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka duullaanka gar garrada ah ku jooga Suuriya iyo Maleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay baadiyaha Magaalada DeyruzZuur ee woqooyiga Suuriya, xilli xarunta ugu weyn ee isbaheysiga caalamiga ah ku leeyihiin Suuriya lagu qaaday weerar sawaariikh loo adeegsaday, iyadoo aan la bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Ila wareedyo ku sugan DeyruzZuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya, in ciidanka Nuseyriyada oo garab ka helaya diyaarado helokobtarro ah oo taabacsan isbaheysiga caalamiga ah, ay aroornimadii hore ee maanta weerar Inzaal ah ka fuliyeen tuulada Xayyu Sabci oo ku taalla baadiyaha Magaalada.

Ciidamadaan oo watay sameecado waaweyn ayaa ku qeyla dhaaminayay magacyada qaar kamid ah dadka degaanka oo ay ka dalbanayeen iney isa soo dhiibaan, waxaana intaa kadib xigay duqeymo aan loo meel dayin oo ay diyaaradaha Drones-ka ah ka fuliyeen degaanka.

Guryo ay dagan yihiin 2 nin kamid ah dadka degaanka ayay si gaar ah u beegsadeen ciidamada huwanta ah, iyagoona halkaasi ka kaxeysatay tiro dad ah oo aan cadadooda la shaacin, wararka ayaana intaas ku daraya in ciidamada weerarkaan fuliyay ay wateen 20 gaari oo kuwa gaashaaman ah, korna ay ka taageerayeen diyaaraha isbaheysiga caalamiga ah, taas oo argagax ku abuurtay dadka degaanka si gaar ah haweenka iyo caruurta ku dhaqan halkaas.

Dhinaca kale weerar sawaariikh loo adeegsaday ayaa habeenkii xalay lagu qaaday xarunta Xaqlul Cumari ee sidoo kale laga soo saaro shidaalka kuna taalla  baadiyaha DeyruzZuur, taas oo baabacsan isbaheysiga ku duulay dalka Suuriya ee ay horboodeyso dowladda Mareykanka, balse lama shaacin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Ila wareedyo ku sugan gobalka ayaa soo tabiyay, in gantaallada oo ahaa kuwa badan ay qaarkood gudaha u galeen xarun ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin halkaas, waxaa intaa kadib la arkayay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo si is dabjoog ah usoo caga dhiganayay xarunta, wakaalad laga leeyahay Ruushka ayaana xaqiijisay in khasaare xooggan uu weerarkaan kasoo gaaray ciidamada Mareykanka, gantaalladana ay beegsadeen ahdaaftooda, waxaa intaa dheer in dhawaqa digniinta laga maqlayay xarunta iyo nawaaxigeeda.

Mareykanka oo boob ku haya dhaqaalaha Suuriya iyo wadamada caalamka islaamka ee uu duullaanka ku joogo ayaa saldhiggan u leh muhiimad gaar ah, maadaama laga dhoofiyo shidaalka sida sharci darrada ah ay ku guranayaan ciidamada Americanka ah, waxaana xusid mudan in marar badan ay xaruntaan marti galisay weeraro loo adeegsaday Sawaariikh iyo Diyaraado Drone ah.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Inzaalka Ciidamada Mareykanka Iyo Duqeynta Lagu Qaaday Saldhigooda