Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa saaka aroortii weerar culus ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe uga sugnaayeen tuulada Cadayga.

ilo wareedyo ayaa sheegaya ciidamada weerarka qaaday ay si buuxda ulam wareegeen saldhigga Cadayga iyo tuulada intaba, ugu yaraan 1 askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen 2 askari.

Sidoo kale weerar culus ayaa lagu qaaday saldhig kale oo kuyaal deegaanka Sigaleer balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay fiidkii weerar culus lagu qaaday saldhig ay ciidamada Koonfur galbeed ku leeyihiin halka loo yaqaan Maanya Fuulka.