Howlgal guuleystay oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan ammaanka imaarada islaamiga ah ee Afghanistan, ayaa lagu soo furtay wiil yar oo ay koox afduubeyaal ah ku haysteen deegaan ka tirsan wilaayada Balkh ee dhacda waqooyiga Afghanistan.

Wazaaradda arrimaha gudaha ee Imaarada islaamiga ah, waxay sheegtay in howlgalka oo ahaa mid najaxay lagu soo qabtay shan xubnood oo ku lug lahaa afduubka lagu haystay cunuggan oo lagu magacaabo Cabdullahi, waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanka ee imaarada islaamiga ah ay dhexda u galeen mid ka mid ah afduubeyaaasha oo isku dayay in uu iska horโ€™imaad la galo ciidanka taabacsan wazaaraddaasi.

Cabdullaahi oo ah wiil aad u daโ€™yar ayay kooxdan afduubatay 8 maalmood ka hor, waxayna ku afduubteen markii uu kasoo baxay madarasada kuna sii jeeday gurigiisa, kooxda afduubeyaasha ayaa waalidka Cabdalla ka codsaday inay siiyaan lacag dhan 300 oo kun oo Dollar, si loogu sii daayo.

Aabaha dhalay ilmahan yar ee la xoreeyay ayaa u mahad celiyay ciidamada ammaanka Imaarada iyo dadaalka ay u galeen sidii ay usoo badbaadin lahaayeen wiilkiisa, dhanka dadka isticmaala baraha bulshada ee ku dhaqan dalalka muslimiintu leeyihiin ayaa aad ugu farxay howlgalkan gaarka ah ee lagu soo furtay canugan afduubka lagu haystay.

Tan iyo markii hoggaanka waddanka ay la wareegeen Imaarada Islaamiga ah Afghaanistaan laamaha ammaanka ee Imaarada waxaa u suuragashay inay fashiliyaan howlgalo badan oo afduub ah, waxayna ku guuleysteen in ay soo furtaan dad badan oo la afduubtay.