Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen kaniisadaha wadanka Burundi ayaa ka dhacday wadanka Soomaaliya todobaadkan gudihiisa sida lagu xusay barta Twitterka ee ciidamada ATMIS.

Inkastoo ay ka gaabsadeen iney magacaabaan magaalada uu dabaaldaggan diineed ka dhacay, haddana waxaa sawirrada laga dheehanayaa iney tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Burundi ayaa soo qaatay calamada Kiristanka iyo calaamadda Saliibka, waxaana hor boodaya 7 baadari oo dhawaan ka timid wadanka Burundi kuwaasoo uu xilli habeen ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu kusoo dhaweeyay Xasan Sheekh madaxweynaha DF.

Baadariyaasha ayaa ciidamada Burundi u jeediyay khudbado ay ugu sheegayaan in ay guteen waajib diini ah si lamid ah sida ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu dagaalamayaan Diinta Islaamka, waxayna ugu laab qaboojiyeen in maantana uu soo dhawaaday waqtigii ay Soomaaliya ka bixi lahaayeen kadib muddo dheer oo ay halkan u joogeen difaaca diinta Kiristanka.