Ciidamo ka tirsan kuwa saliibiyiinta Burundi ee duullaanka ashahaada la dirirka ah ku jooga Soomaaliya, ayaa xaflad ballaaran oo lagu waynaynayay kirishtaanka ku qabtay magaalada Jawhar ee xarunta u ah gobolka Sh/dhexe.

Sawirro maanta lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey baadariyaal ku laibsan dareesyo cad-cad, iyo ciidamo ku labisan tuutaha ciidanka kuffaaarta Burundi oo ku socda wadooyinka magaalada Jowhar ee ay duullaanka saliibiga ah ku joogaan.

Xafladdan oo loo yaqaano โ€œsacramentโ€ kana mid ah munaasabadaha ay weyneeyaan kirishtanka, ayaa lagu qabtay teendho laga qotomiyey gudaha saldhigga ciidamada Burundi, Laakiin waxa markan cusub ahaa in markii ay xafladdu soo gabagabowday ay ciidamada Burundi socod dheer kusoo mareen wadooyinka magaalada Johwar iyagoo ruxaya alwaaxyada Saliibka.