Ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya, ayaa saacadihii lasoo dhaafay dad rayid ah ku weeraray gudaha magaalada Mooyaale ee kutaal xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaali galbeed iyo Kenya, halkaas oo ay ka gaysteen dil iyo boob.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka uu yimid kaddib markii ciidamada booliska federaaliga ah ee dowladda xabashida ay gudaha u galeen dhowr dugaan oo kuyaal magaalada Mooyaale, halkaas na ay ka qaateen agabyadii yiillay.

Ugu yaraan 3 ganacsade oo Soomaali ah ayay ciidamada booliska xabashida halkaa ku dileen, kaddib waxaa dhacay gadood ay sameeyeen dadka shacabka ah ee dilka iyo dhaca loo gaystay.

Dadka rayidka ee ka dhiidhiyay falalka ay ku kaceen ciidamada dowladda Itoobiya ayaa la xaqiijiyay inay dileen askari ka tirsan ciidamada saliibiyiinta, taasi oo hakisay boobka iyo dilalka ay wadeen ciidamada oo deegaanka looga yaqaan finaasta.

Dilalka iyo dhaca ay ciidamada xabashidu ka gaysteen magaalada Mooyaale ee ku teedsan xuduud beenaadka Soomaali galbeed iyo Kenya, ayaa la xiriira weeraro si gaar ah loogu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee isaga kala goosha dhulka Soomaali galbeed.

Billowgii Bishan June ayay dhaceen weeraro dhowr ah oo lagu beegsanay gaadiid iyo ganacsato Soomaaliyeed oo isaga kala gooshayay magaalooyinka Wajaale iyo Jigjiga, 9-kii June ayay ahayd markii gaari ka baxay Jigjiga kunasii jeeday degmada Wajaale weerar jidgal ah uu kala kulmay ciidamada Itoobiya ee loo yaqaan Finaas, halkaas na ay ku dhaawaceen dhowr xubnood.

Dadka ku dhaqan dhulka Soomaali galbeed, waxay soo sheegeen in beegsigan ay dowladda xabashida u aaneynayso inay kaga hortagayso agabyo ay ku sheegayso inay yihiin kuwa Kontorobaan ah, balse xaqiiqadu ay tahay beegsi gaar ah oo ka dhan ah hantida ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.