Ciidamada ammaanka ee dowladda xabashida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay gaysteen weeraro balaaran oo ka dhan ah dadka rayidka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayadda Human Rights Watch ee sheegata inay u dooddo xuquuqda aadanaha.

Warbixinta hayadda oo ah mid aad u dheer kana kooban 66 bog, ayaa diiradda lagu saaray dhinac ka mid ah xasuuqyada ay ku kacayaan ciidanka federaaliga dowladda Itoobiya ee ka socda gobolka Axmaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya.

Hayadu waxay sheegtay inay soo diiwaangelisay dambiyo dagaal oo ay ku kaceen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda iyo maleeshiyo taabacsan, kuwaas oo siyaabo kala duwan u beegsaday shaqaalaha caafimaadka, xarumaha caafimaad, iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha.

Warbixintu waxay soo bandhigtay ilaa 13 magaalo oo ciidamada ammaanka ee diwladda xabashida iyo maleshiyada Taabacan ay xasuuqyo ka gaysteen tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka Axmaarada ee loo yaqaan Fano bishii Agoosto 2023-kii.

“Ciidamada federaaliga ah ee Itoobiya ee ku hawlgala isla xisaabtan la’aanta waxay indhaha tireen dadka rayidka ah iyaga oo weeraray xarumaha caafimaadka ee bixiya daryeelka aadka loogu baahan yahay,” waxaa sidaas tiri Laetitia Bader, agaasime ku xigeenka Afrika u qaabilsan hayadda Human Rights Watch.

“Illaa inta ay dowladdu dareemayso cadaadis xoogga saaraya in lagula xisaabtamo xadgudubka ay gaysanayo, xasuuqyada noocan oo kale ah waxay u badan tahay inay sii socdaan.” Ayay sii raacisay.

Human Rights Watch waxay sheegtay inay ogaatay in ciidamada federaaliga ah ee Itoobiya ay halis galiyeen oo ay carqaladeeyeen shaqada cisbitaallada. “Ciidanka ammaanku waxay garaacis, xirxirid, oo cabsi gelin isugu dareen xirfadlayaasha caafimaadka ee ku howlan daryeelka dadka dhaawaca ah iyo kuwa xanuunsan, kuwaas oo ay ku jiraan dagaalyahanno Fano ah.

Ciidamada ammaanka dowladda xabashida, ayaa sidoo kale weeraray ambalaasyada iyo gaadiidka caafimaad, waxayna farageliyeen helidda gargaarka bini’aadantinimo, waxayna u diideen shacabka Axmaarada xasuuqdooda caafimaad, ayaa la raaciyay warbixinta hayad gaaleedkaasi.