Dowladda Muritaaniya ayaa shaaisay in markii ugu horreysay ay ciidankeedu hantiyeen โ€‹โ€‹diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, iyadoo la raacayo shuruudaha horumarinta degdegga ah ee hubka adduunka, mana shaacin xukuumadda tirada diyaaradaha, halka laga keenay, iyo cidda farsameysay intaba.

Xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Muritaaniya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegtay, in madaxweynaha dalkaas Maxamed Walad uu booqasho ku tagay mid kamid ah xarumaha ciidan ee ku yaalla dalka, si uu usoo indha indheeyo noocyada qalabka milatari ee dhawaan la helay, taasi oo qayb ka ah horumarinta qaab dhismeedka ciidamada ee dhulka, cirka. iyo badda ee dalka Muritaaniya.

Hubka cusub ee ay heshay dowladdaan ayaa waxa uu ka kooban yahay gaadiidka gaashaaman, madaafiicda goobta, lidka taangiyada iyo diyaaradaha, saldhigyada raadarka, iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka iyo kuwa ciidanka iyo agabyo kale.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jireen xuduudda ay wadaagaan dalalka Muritaaniya iyo Maali, Bishii May ee lasoo dhaafay, waxa ay dowladda Muritaaniya sheegtay in dhaqdhaqaaqyada ay ciidankeedu sameynayaan ay jawaab uyihiin duullaan ay ciidamada Maali iyo Maleeshiyaaadka Murtazaqada Ruushka ee Fagnar ay kusoo qaadeen tuulooyin ku yaalla Muritaaniya oo dhaca xuduudda, iyadoo ciidankaas ay xukuumaddu ku eedeysay iney qalqqal qaliyeen muwaatiniinta Muritaaniyanka ah, qaarkoodna ay qafaasheen, ayna dhac ugeysteen hantidooda, halka kuwa kalena ay dhaawaceen.

Waxaa xusid mudan in Muritaaniya ay la daalaa dhaceyso tabardarri xagga qalabeynta ciidankeeda ah, xilli Ruushka uu qalab casri ah siiyay dalka ay jaarka yihiin ee Maali, adeegsiga diyaaradaha Drone-ka ah ayaana wax caadi ah ka noqday gudaha ciidamada Maali ee taageerada ka helaya Murtazaqada Fagnar, arrinkaas oo keenay in xukuumadda Muritaaniya ay soo iibsato qalab casri ah iyo diyaarado Drone ah.