Ciidanka Sudan ayaa ku dhawaaqey Salaasadii shaley in ay la wareegeen xaafadda Dawxa ee Galbeed Umdarmaan wilaayada Khartuum.

Warmurtiyeed ka soo baxey Xafiiska Afhayeenka Ciidanka ayaa lagu yiri “Ciidanku waxa ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen Omdurman isla markaana waxay la wareegeen Dawxa iyo nawaaxigeedaโ€.
Ciidanku waxa kale oo ay xuseen in ay burburiyeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen kooxda fallaagada ah ee RSF. Waxa ay intaa ku dareen in ciidanku dileen dhawr xubnood oo ka tirsan RSF oo maamulayey dhulkaas ilaa bilowgii dagaalka.
Dhanka kale ciidamadu waxa ay sheegeen in ay soo furteen ilaa 20 dumar ah oo u afduubnaa RSF, muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa laga arkayey ciidanka oo takbiirsanaya kuna faraxsan guulaha ay gaareen.
Deegaankan ay ciidanku la wareegeen ayaa ahaa fariisimaha difaaca ee RSF ay ka ilaaliyaan deegaanka Daresalaam iyo deegaanno kale oo ku teedsan oo ay gacanta ku hayaan. Ciidanka Sudan ayaa la dareemayaa in ay dib u qabsanayaan dhulal horleh oo hore ugu jirey gacanta RSF.
Colaadda Sudan ayaa ka tagtey 15kun oo dhimasho ah halka dad ka badan 8milyan qoxoonti noqdeen sida ay sheegtay Hayโ€™adda Qaramada Midoobey.

Warsame Warfaa