Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa goordhow oo caawa ah baahiyay filim cusub oo cajiib ah, kaasi oo lagu soo bandhigayo weeraradii cagmarinta ee 3 maalmood ka hor ka dhacay degmada Ceel-dheer ee bariga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, halkaas oo lagu dilay inka badan 59 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaad murtadiin ah.

Muuqaalka oo la daawan karo muddo 16 daqiiqo ah ayaa muuqaal dhab ah ka bixinaya duullaankii murtadiinta ee degmada Ceeldheer, fasaadka ay magaalada kusoo kordhiyeen, dagaalkoodii ka dhanka ahaa shacaa’irta islaamka, igu sawirtii madaxda murtadiinta ee degmada Ceeldheer iyo cagmarintii mujaahidinta ee saldhigyada Riddada, waxaad muuqaalka ku daawanaysaa ciidamada mujaahidiinta oo Allaah fadligiis cagta marinaya difaacyada dhaadheer ee murtadiintu ka samaysteen degmada, maxaabiis gacanta lagu dhigayo, saraakiil iyo askar dhagta dhiigga loo darayo iyo mujaahidiinta oo ugu dambayn gacanta ku dhigaya difaacyada murtadiinta iyo guud ahaan degmada Ceeldheer.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka