Garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal la daawan karo muddo 45 daqiiqo oo ay kusoo bandhigeyso cududeeda military iyo awoodda ay ku leedahay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ilaa gudaha Kenya.

Waxay soo bandhigtay dagaallo, weeraro iyo qaraxyo ciidankeedu ka fulinayaan laga soo bilaabo Buuraleyda Golis ee bariga Soomaaliya ilaa gobolka Lamu.

Muuqaalkan oo ah mid aad u argagax badan ay ku jiraan meydadka askar Soomaali ah iyo kuwa Afrikaan ah oo la gumaadayo ayaa dagaalada lagu soo bandhigayo waxaa ka mid ah weerar lagu dilay 18 askari oo ka tirsan ciidanka Gorgor oo uu ku jiray Gaashaanle Maxamed Cabdi Wahaab Faarax oo ahaa taliyaha guutada 6aad ee ciidanka Turkigu soo tababaray.

Taliyahan ayaa watay ciidankii gulufka ku qaaday Sh/dhexe bishii June ee sanadkii tagey, gaar ahaan deegaanada War Ciise iyo Cali Fooldheere, balse la soo jebiyey goordambe.

Howlgalada Filimkan lagu soo bandhigayo waxaa sidoo kale ka mid ah howlgalkii Xarakada Al-Shabaab ay ku burburisay dhismaha qeybta VIP-da ee garoonkii diyaaradaha ee magaalada Buulaburte, Waxaa la arkayaa ciidamo katirsan Shabaab oo u dusaya dhismaha halkaasna ku diyaarinaya qaraxyo.

Halkaan Ka DEGSO Muuqaalka

Halkaan Ka DAAWO Muuqaalka