Martida guriga allaah ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya acmaasha xajka iyadoo ay tahay maalinta 8-aad ee bisha carafo. Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa kusii qulqulaya goobaha barakaysan ee magaalada Makka Almukaramah,dadka ayaa iyagoo kala madab ah kala af ah waxay guda gelayaan acmaasha xajka waxa kaliya ee mideeya ayaa ah kalimadda Towxiidka.

Xujeyda Beytka Raxmaanka ayaa maanta u jiheysta dhanka Mina, si ay halkaas ugu soo gutaan maalinta Sideedaad ee loo yaqaano Yomu-Tarwiyah. Maalinimada berri ah waxay Xujeydu gudan doonaan Rukniga ugu weyn ee Xajka, Nabiga Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama ayaa yiri “Xajku waa carafoโ€ taasi oo ay culimadu ku fasireen in acmaasha ugu weyn ee Xajka ay dhacayaan maalinta Carafo.

Hoos Ka Daawo Warbixin laga diyaariyay Acmaasha Xajka