Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle, murtad Yuusuf Axmed Dabageed, ayaa meel fagaare ah ka sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa dhibaatooyin kala duwan loogu gaysto dadka socotada ah.

Yuusuf Dabageed ayaa tilmaamay in deegaannada maamuliisa ay aad ugu badanyihiin dilka, dhaca iyo kufsiga ka dhanka ah dadka musaafiriinta ah ee isticmaala waddooyinka, kuwaas oo dhibaatooyinkaasi la kulma markii ay jidka u galaan maleeshiyadiisa.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaannada maamulkiisa ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya maleeshiyada murtadiinta ah ee qaab beeleedka u abaabulan.

Hadalka murtad Dabageed, ayaa kusoo beegmaya, xilli inta badan dadka socotada ah ee isticmaala jidadka gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, ee uu ka arrimiyo maamul goboleedkaasi ashahaada la dirirka ah ay dhibbane u yihiin maleeshiyo hubeysan, kuwaas oo isbaarooyin xad dhaaf ah soo dhigtay jidadka.

Billowgii toddobaadkan ayay ahayd markii maleeshiyaadka murtadiinta ay kufsi ka dhan ah dumarka muslimaadka ah iyo dhac baahsan u gaysteen dadka ku dhaqan tuulooyinka dhanka deexda ah ka xiga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/dhexe.