Kadib tallaabadii dowladda xabashida Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha dalkeenna Somalia, malaayiinta Itoobiyaanka ah ee ku kala nool deegaannada iyo gobollada dalkaasi ayaa maanta dhigay bannaan-baxyo iyo dabaal-dagyo waawayn, iyagoo isu muujinaya in ay heleen riyo ay in muddo ahba ku taamayeen, kagana baxeen xabsi.

Magaalooyinka waawayn ee waddanka Itoobiya waxaa ka dhacay isku soo baxyo aad u ballaaran, kumannaan kun oo dad Itoobiyaan ah ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha si ay ugu mahad-celiyaan raโ€™iisul wazaarahooda, Abiy Axmad, kaasi oo Addis loogu saxiixay heshiis uu bad ku helayo, kaasi oo uu qalinka ku duugay murtad maangaab ah oo lagu magacaabo Muuse Biix, kaasi oo ku faanay inuu saxiixo heshiiskan xaaraanta ah.

Isku soo baxyada oo soo billowday saacadihii ugu horreeyay ee heshiiska kaddib, ayaa lasoo wariyay inay ka dhaceen gobollada Oromada, Canfarta, gobollada dhaca koonfurta dalka Itoobiya iyo xittaa qaybo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed, halkaas oo ay isku soo baxeen bulshada Itoobiyaanka ah, kuwaas oo aan u kala harin caruur iyo ciroole, rag iyo dumar, marka laga soo tago kuumanaan Itoobiyaan ah, dhankooda warbaahinnada iyo qoraayaasha Itoobiyaanka ah ayaa hadal haya dhacdadaan iyagoona ku tilmaamaya mid taariikhi ah iyo guul wayn oo usoo hoyotay.