Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaal beeleedyo markale dib uga qaraxay deegaanno dhowr ah oo ka dhaca bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ka imaanaya duleedka degmada Goldogob ayaa sheegaya in maanta barqadii ay halkaas ka billaawdeen dagaallo saacado badan qaatay.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen dagaalladii maanta oo maleeshiyaadku ay isku adeegsanayeen hubka culus ee ku rakiban gaadiidka tiknikada loo yaqaan. ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii ka qarxay deegaanka Meygaagta uu ku faafay illaa iyo sedax tuulo.

Maleeshiyaad katirsan maamullada Galmudug iyo Puntlnad ayaa la sheegay in ay dagaalka ku biireen iyagoo ukala gurmanaya maleeshiyo beeleedyada dagaallamaya. Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada labadan maamul katirsan oo jiidda hore kusii qulqulaya.

Shan maalmood ka hor ayay sidaan oo kale dagaallo culus uga dhaceen deegaannada kala qeybiya Goldogob iyo Gelinsoor oo Mudug kawada tirsan. Colaadda beelaha ayaa aad ugu badan deegaannada ay ka jiraan maamullada shisheeyaha ku daaban waxaana sanad walba oo colaad qabaa’il ugu dhinta boqolaal ruux.