Wararka ka imaanaya gobolka Sitti ee dhulka Soomaali-galbeed ayaa sheegaya in dagaallo aan kala joogsi laheyn ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay halkaas ku dhaxmareen maleeshiyaad kasoo kala jeedo Cafarta iyo Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallada oo ay ku dhinteen tobanaan ruux oo ubadan dhinacyadii dagaallamay ay sababeen in maleeshiyaadka Cafarta laga saaro dhowr deegaan oo ay horay uqabsadeen waxaana ka mid ah tuulooyinka Xoorri iyo Dhuunyar oo dhammaantood dhaca galbeedka gobolka Sitti.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaallo lagu hoobtay ay weli ka socdaan buuralayda Madane, muuqaallo lagasoo duubay goobaha dagaalka ayaa muujinaya maxaabiis iyo hub laga qabtay maleeshiyaadka Cafarta.

Barre Daahir Suge oo kamid ah dadka ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ee sida aadka ah loogu loolamayo ayaa sheegay in dagaallada oo aan kala joogsan laheyn ay dhinacyadu kolba dhinac isku riix riixayaan balse dagaalladii ugu dambeeyay ay ku gacan sarreeyeen maleeshiyaadka Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka oo wada socda.

Saraakiil u hadashay ismaamulka Cafarta, ayaa warbaahinta u sheegay in ay si adag u difaacanayaan degmada Cadhuufo iyo Garba Ciise, hadalkaas oo loo fasirtay in ay marmarsiimo u sameynayaan deegaannada baaxadda leh ee laga qabsaday.

Colaadda ka taagan gobolka Sitti ayaa la rumeysanyahay in ay gadaal kasoo riixayso dowladda Xabashida Itoobiya, waxayna soo kala hubaynayaan maleeshiyaadka Liyuu Booliska iyo kuwa Cafarta, si loo sii qabsado dhulka Soomaaligalbeed ee muddada ku dhow 100-ka sano ku jira gummeysiga.

Odayaasha deegaanka, ayaa ku eedaynaya dowladda xabashida Itoobiya oo adeegsanaysa gacmaheeda maamullada Jigjiga iyo Samaara in ay doonayso in la tirtiro soomaalida gobolka Sitti si dhulkaas loo siiyo qowmiyadaha kale ee xabashida ka tirsan ama ku daaban.