Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa lasoo wariyay inay ka socdaan deegaanno dhaca galbeedka gobolka Siti ee dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.

Dagaallada oo la sheegay inay socdaan muddo laba maalmood ah ayaa si gaar ah uga socda magaalada Dhuunyar iyo tuulooyin kale oo hoostaga, halkaas oo ay dirir xooggan ku dhexmarayso Soomaalida iyo Cafarta oo gobolkan marar badan ku dagaallamay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaallamaya, lamana soo werin inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada, maadaama la sheegay in dagaalladu maalinkii labaad socdaan, goobtuna ay adagtahay in la gaaro si loo soo hubiyo khasaaraha dhinacyada kala gaaray.

Galbeedka gobolka Siti ee dhulka Soomaali galbeed, waxaa dhowr jeer sidan oo kale ugu dagaallamay dadka Soomaalida ah ee deegaanka kasoo jeeda iyo qowmiyadda cafarta, kuwaas oo iska dilay dad aad u fara badan, waxay sidoo kale dagaallada u dhaxeeya Soomaalida iyo Cafarta ee gobolkaasi ka dhaca ay sababeen barakaca qoysas badan.