Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Sitti ee dhulka Soomaaligalbeed halkaas oo ay ku loollamayaan maleeshiyaad wada taabacsan dowladda Xabashida.

Wararka ka imaanaya Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in dagaallo maanta dhaxmaray maleeshiyaadka Cafarta iyo kuwa Soomaalida ay ku dhinteen tobanaan ruux islamarkaana ay qoysas farabadan ku barakaceen.

Sida lagasoo xigtay dad ku sugan jiidda dagaalka maleeshiyaadka Cafarta ayaa laga qabsaday dhowr tuulo waxayna maleeshiyaadka Soomaalida kaabiga ku hayaan degmada Garbaciise oo ay ujiraan waxka yar 6KM.

Dagaallada socda sedaxda maalin ee xiriirka ah ayuu hadafkoodu yahay sidii ciidamada Cafarta looga saari lahaa magaalooyinka Candhuufo,Cadayti iyo Danlahelay kuwaas oo dhammaantood ay horay uqabsadeen ciidamada ismaamulka Cafarta.