Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caato ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay saakay aroortii hore weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Liyuu booliska Itoobiya.

Dagaalka oo ku bilawday hubka aadka u cul culus ayaa socday muddo 2 saacadood ka badan, waxaana gabi ahaan lala wareegay saldhigii ciidamada Liyuu boolis ee deegaanka Caato.

Xogaha rasmiga ah ee ay shabakada wararka SomaliMeMo ka heleyno deegaanka Caato ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac aad u badan oo soo gaaray ciidamada Liyuu boolis, waxaa kale oo jira maxaabiis gacanta looga dhigay iyagoo nool.

Firxadkii ciidamada Liyuu boolis ayaa u cararay dhanka Xadka ay wadaagaan deegaanka Caato ee Bakool iyo dhulka Soomaali galbeed ee ay Xabashidu xoogga ku haysato.

Waa weerarkii labaad oo muddo isbuuc ah gudihiis ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada Liyuu boolis ee deegaanka Caato ee gobolka Bakool. Waxaana kan ka horeeyay weerar kale oo lagu dilay in ka badan 87 askari, laguna furtay hub aad u fara badan.

Wixii ku soo kordha kala soco halkaan.